Sabata keenaysa in kenya looga adkaan doono dagaalka siyaasadaysan oo ay ku hayso somalia.
Nairobi (Caasimada Online) – Dr Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Soomaaliya kuna sugan Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay tahay midda khasaaraha ugu xooggan kala kulmi doonta dagaalka siyaasadeed ee ay ku jirto Soomaaliya.
Wareysi ii siiyey wargeyska Daily Nationee Nairobi, ayaa Dr. Cabdiwahaab waxa uu ka digay in haddii naceybka uu sii socdo, Kenya ay wajihi doonto khasaare dhaqaale oo aad u xoog badan.
Waxa uu sheegau in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee khaatka miraa-ga ee laga soo saaro Kenya iyo sidoo kale adeegga duulimaadyada, maadaama dhammaan diyaaradaha u duula Soomaaliya ay ka diiwana gashan yihiin Kenya.
Dadka Kenya ayaa sidoo kale ah shaqaalaha ugu badan ee ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah.
Waxaa intaas dheer in Soomaalida ay yihiin dadka ugu badan ee maal-gashta islamarkaana ganacsi xooggan ku leh Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ganacsigeeda oo idil ay maamulaan Soomaalida.
Soomaalida ayaa sidoo kale hadda ku biiray suuqa shidaalka iyo saliida Kenya, halka ay maal-gashtayaal badan oo Soomaali ah ay kusii xoogaysanayaan ganacsiga hantida ma guurtada ah ee Kenya.
Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay suu gaari karo dhaawac dhaqaale oo aad u xooggan, ayada oo ganacsiga Kenya uga yimaada Soomaaliya lagu qiyaasay laba bilyan oo dollar sanadkii, taasi oo sare u qaaday qiimaha lacagta shilling-ka Kenya.
Ka sokow dhaqaalaha, waxaa Kenya sidoo kale uu dhaawca kasoo gaari doonaa weerarada kooxda Al-Shabaab, haddii dowladda Soomaaliya ay joojiso warbixinada amni ee ay la wadaagto Nairobi.
Daawo 6 Deegaan | Meelaha ugu cabsida badan caalamka boqday
Hibaaq Heesta Ciida daawasho wacan
Aun Maxamed S Tubeec & Heesta Alla Maanta Ayaanta With Lyrics
Aun Maxamed S Tubeec & Heesta Alla Maanta Ayaanta With Lyrics
Ciid wanaagsan dhamaan walaalaha muslimiinta ah ee daafaha dunida joogta

Ciid mubaarak ciid mubaarak. Halkan waxaan uga hambalyeynayaa umadda soomaaliyeed
The Journey Begins
Thanks for joining me!
Good company in a journey makes the way seem shorter. — Izaak Walton
